Ciidan Puntland Ah oo Soo Weeraray Fadhiisimaha Ciidamada Somaliland ee Aagga Bari

Ciidan beeleed ka soo jeeda maamul goboleedka Puntland ayaa maanta weerar ku soo qaaday xarunta Laas Caanood ee gobolka Sool ciidaankaas oo u soo tallaabay dhinaca fadhiisimaha ciidanka Somaliland ee agagaarka Laas Caanood.
Warar Keydmedia Online

Ciidankan maleeshiyada ah ee soo duulay oo sahanka ciidamada qaranka ee Somaliland isha ku hayeen illaa markii ay soo galayeen magaalada Laas Caanood ayaa marka ay soo gaadheen agagaarka fadhiisimaha ciidanka Soomaliland ee jiiddaas lagu qaaday weerar ballaadhan halkaasoo ciidanka ka soo duulay dhinaca Puntland lagaga qabsaday labo gaadhi oo tikniko ah iyadoo isla mar ahaantaana gacanta lagaga dhigay maxaabiis dagaal oo tiro badan.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo goob jog u ahaa dagaalka ayaa u sheegay Warya TV in dad farabadan oo reer Laas Caanood ahi ay fuuleen buuraha iyagoo markaas rajaynayey in ciidanka Puntland ee duulaanka soo qaaday uu hilfaha u laabo ciidanka Somaliland. Hase ahaatee goob joogayaashaas ayaa waxay u caddeeyeen Warya TV in ciidanka ka soo duulay dhinac Puntland uu khasaare fara badani soo gaadhay isla mar ahaantaasna hadhaagii ciidaankaas la eryaday ill tuulada Gambadhe.

Maxaabiista la qabtay ayaa laga dhigay wixii hub ay wateen ka dibna la iska sii daayey iyadoo ciidanka Somaliland ay hub farabadan kala soo hadheen oo isugu jira hub fudud mid culusba.
Dhinaca kale labo gaadhi oo ay leeyihiin ciidanka Somaliland ayaa is-duqeeyey halkaaso uu dhaawac fudud ka soo gaadhay dhawr qof ka mid ah

Source: WARYA TV

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.