Ciidanka dowladda oo howlgal ka sameeyay Hirshabeelle

Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ka howlgala deegaanada Hirshabeelle ayaa howl gal ka sameeyay gobolka Shabeellaha dhexe.

Warar Keydmedia Online
Ciidanka dowladda oo howlgal ka sameeyay Hirshabeelle

JOWHAR, Soomaaliya - Ururka 7 -aad ee Guutada 16 -aad ee Ciidanka kumandooska danab ayaa  hawlgal ka sameeyey degaan ka mida  gobolka shabeelaha dhexe.

Degaanada hawlgalku ka dhacay ayaa kala ah  War ciise,  Maja badan,  Qor dhere, Bulo gannay, ka dheeray iyo kulan oo dhammaantood ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Fariisamo ay ku lahaayeen Al-Shabaab deganaakaas ayaa ayaa lagu burburiyay, waxaana taliyaha ururka 7 -aad guutada 16 -aad ee ciidanka Kumaandooska Danab Dhame Xasan maxamed cisman uu xaqiijiyay in lagu guuleystay howlgalka laga sameeyay deegaandaas.

Deegaanada hoos yimaada dowlad goboleedka Hirshabeelle waxaa ku badan fariisimaha kooxda Al-Shabaab ku leeyihiin halkaas, waxaana inta badan dhibaatooyin kala duwan loogu geystaa dadka shacabka ah ee halkaas ku nool.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.