KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Deni ayaa ku jira olole doorasho isagoo kasoo laabtay degmada Qardho oo shalay uga qeyb-galay isku soo baxa Ururkiisa Kaah.
GAROWE, Soomaaliya - Ciidamada ilaalada gaarka ee Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid C/llaahi Deni, ayaa xalay magaaladda Garoowe ku diley Gabar dhalinyaro ahayd.
Allah ha u naxariistee waxaa lagu magaacabi jiray Maryan Axmed Caato. Dilkeeda ayaa yimid ka gadaal markii Gaari ay saarnayd uu dhexgalay Kolonyo gaadiid ah oo galbinayey Deni.
Dhowr xabadooda ayaa haleelay Gabadha, taasi oo sababtay geerida Maryan Axmed, oo kamid ahayd dhalinyarada ugu firfircoon Garoowe. Deni illa ahadda kama uusan hadlin dilkeeda.
Deni ayaa ku jira olole doorasho isagoo kasoo laabtay Qardho oo shalay uga qeyb-galay isku soo baxa Ururkiisa Kaah oo kamid ah 8 Urur siyaasadeed oo u tartamaya doorashadda golayaasha degaanka ee ka dhacaysa Puntland 25-ka bisha soo socota ee October.
Deni ayaa lagu eedeeyay inuu yahay kaligii-taliye aan dulqaad lahayd, isagoo ku fashilmay amniga Puntland oo intii uu joogey ay ka dhaceen qaraxayo waaweyn oo Mas'uuliyiin heer gobolka lagu dilay.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.