KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Ciidanka Mareykanka ayaa laga saarey Soomaaliya 14 bilood kahor, waxaana la geeyay dalalka Jabuuti iyo Kenya, oo saldhigyo ku leeyihiin.
MUQDISHO, Soomaaliya - Gen. Stephen Townsend, oo ah taliyaha Ciidanka Mareykanka ee ka howlgala Africa ayaa sheegay in dib u billaabi doonaan howlgallada la dagaalanka Al-Shabaab.
Taliyaha ayaa dhawaan booqday saldhigyada Mareykanka ee Beleddoogle iyo Baar-Sanguuni oo duleedka Kismaayo ku taalla, isagoo soo qiimeeyay xaaladda dhulka taalla, kahor inta aan dib loogu soo celin Ciidanka Mareykanka, oo sanadkii tagey Trump dalka ka saarey.
Maamulka Madaxweyne Biden ayaa ka fekeraya soo jeedinta taliyeyaasha Militeriga dalkiisa, ee ku aadan dib usoo celinta askartii ka howlgalaysay dalka Soomaaliya, oo dagaalka Al-Shabaab qeyb muhiim ka qaadan jireen.
Wasaaradda difaaca Mareykanka ayaa u aragta khatarta Al-Shabaab mid sii xoogeysatay mudadii duqeymaha diyaaradaha maqnaayeen, iyadoo Safiirka Mareykanka uu sheegay in khatarta Kooxdan ay ka xoog badan tahay sidii hore.
Al-Shabaab ayaa weeraro ka fulisay Kenya iyo Uganda, waxayna khatar gelinaysaa danaha Mareykanka ee gobolka Geeska Africa, taasoo ku qasbayso Maamulka Biden inuu kooxdan kula dagaalamo gudaha Soomaaliya.
Waxaa lagu qiyaasay illaa 700 oo askari askarta Mareykanka ee joogay Soomaaliya, kuwaasoo qaar kamid ah weli ku sugan Muqdisho iyo meelo kale, iyagoo howlo sirdoon iyo ilaalinta Safaaradda u jooga.
Soomaaliya ayaa ku jirta xili kala-guur ah, waxaana AMISOM lagu wadaa in dalka ka baxdo 2023, iyadoo March 31, oo maalmo ka dhiman laga bedelayo magaca, oo loo bixiyay ATMIS, oo ah howlgal ku meel-gaar ah, oo u diyaarinaya Ciidanka dowladda inay mas'uuliyada amniga la wareegaan.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.