Ciidanka Uganda oo sii joogaya Soomaaliya xili AMISOM baxayso

Uganda waa dalkii ugu horeeyay oo Ciidan usoo diray Muqdisho billowgii 2007, waxaana ay ka joogaan tirada ugu badan AMISOM.

Warar Keydmedia Online
Ciidanka Uganda oo sii joogaya Soomaaliya xili AMISOM baxayso

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidanka Uganada ayaa sii joogaya Soomaalia xili uu dhamaadey waqtiga AMISOM, oo ku eg 31-ka bishan, iyadoo weli aan la meel dhigay howlgalka cusub ee ATMIS.

AMISOM ayaa 15 sano dagaalka kula jirtay Al-Shabaab, oo Muqdisho ee laga saarey 2011 ay weeraro ka fulinayso, iyadoo khatarteeda iyo joogitaanka Kooxda aan ka fogeyn Caasimadda.

Afhayeenka militeriga Uganda, Brig Felix Kulayigye ayaa sheegay in askartooda ay baaqi kusii ahaan doonaan Soomaaliya, iyagoo ka qeyb-qaadan doono howlgalka cusub ee ATMIS, oo soconaya illaa 2023-ka.

Uganda ayaa uga jirta AMISOM in ka badan 6,000 oo askari, kuwaasoo ilaaliya Villa Somalia, Garoonka Diyaaradaha iyo Dekadda, iyadoo ay ka howlgalaan gobolka Shabeellaha Hoose.

AMISOM ayaa ku fashilntay inay Al-Shabaab awoodeeda wiiqdo 15-kii sano ee dalka joogtay, waxaana muuqata in askarta ay fiirsanayeen kaliya Mushahaarkooda, oo askari walba qaadanayo $1,280 dollar bishii, taasoo 8 jibaar ka badan mida askariga Soomaaliya la siiyo.

Gollaha Amaanka ayaa la filayaa in 30-ka bishan ansixiyaan howlgalka ATMIS, oo taliskiisa la hoosgeynayo dowladda Soomaaliya, halka markii hore AMISOM Midowga Afrika laga xumayay.

Dalalka kale ee Ciidanka ka joogaan waxaa kala yihiin, Burundi, Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.