Horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Bakool

Amni darrada ka jirta waddada isku xariirisa magaalooyinka Baydhabo iyo Xuddur ayaa aad usii xumaaneysay maalinba maalinta ka danbeysa, iyaddo dowladda ay u muuqato in ay xil iska saareyso sidoo gobolka Bakool looga saari lahaa go’doonka.

Warar Keydmedia Online
Horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Bakool

XUDDUR, Soomaaliya - Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa Koofur galbeed ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen degaanka Dhursheen oo 35 km u jira degmada Xuddur ee gobolka Bakool, waxay ku dileen laba xubnood oo ka tirsanaa  Al- Shabaab.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Ceelbarde, Cumar Cabdiraxmaan ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka ay arroor hore oo saaka ah ay weerar qorsheysan ku dileen, Axmed Moorogaabeey iyo Cali Garweyne oo Al-Shabaab u qaabilsanaa arruurinta lacagaha.

“Dilka labadan horjooge ayaa dharbaaxo weyn ku ah Al-Shavaab guud ahaan gaar ahaan kuwa ku dhuumaaleysanaya deegaanada gobolka Bakool ee maamulka Koofur galbeed Soomaaliya”, ayaa lagu yiri war ay tabisay warbaahinta Dowladda Federaalka.

Abaabul aad u xooggan oo loogu diyaar garoobayo dib u xoreynta gobollada ayaa ka socda degmada Ceelbarde, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidanka xoogga dalka iyo Daraawiishta Koofur Galbeed, waxayna durba dagaallo ka dhaceen degaanno badan.

Sida Keydmedia hore u baahisay, xaaladda nololeed ee dadka ku sugan gobolka Bakool ayaa laga deyrinayaa iyadoo deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Gobolka gaar ahaan Xudur iyo deegaano kale oo hoos taga ay go’doomiyeen kooxda Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.