KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Afhayeenka ayaa sheegay in garoonka uu u xayiranyahay Ciidamada Dowladda Kenya iyo kooxda lagu magacaabo Raaskanbooni oo uu ku Tilmaamay in ay yihiin calooshood u shaqeystayaal u adeegaya Dowladda Kenya.
Aadan Axmed Xirsi Rufle ayaa sidoo kale Sheegay in ay arinkaani Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ka hortagi karaan, baalse iminka aysan dowladda Soomaliya wax Amar ah aysan ka heysan, iyadoona uu Afhayeenka carabka ku dhiftay in Dowladda soomaaliya ay eegeyso dhanka nabadda oo Umadda dan u ah.
Garoonka Diyaaradaha Magaalada kismaayo ayaa ilaa iyo haatan waaxaa ku xayiran wafuud heer wasiir iyo saraakiil aay ka mid yihiin Taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo Abaanduulaha Ciidanka Xoogga ee Soomaaliya.
Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.