KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Dad Goobjoogiyaal ah ayaa sheegay in Amxaaradda oo wata Gaadiidka Dagaalka ay kasoo gudbeen Xadka islamarkaana ay u dhaqaaqeen Magaalooyinka Ufuroow, Diinsoor iyo Baardheere oo ka kala tirsan Gobolada Bay iyo Gedo, halkaasi oo ay gacanta ku hayaan Al Shabaab.
Wadooyin ay ka mid tahay Wadada xiriirisa Degmooyinka Qansax dheere iyo Baydhaba ayaa waxaa xiray Ciidamada, kuwaasi oo aysan isticmaaleynin dadka iyo Gaadiidka xiisada jirta awgeed, iyadoo dadka ay Cabsi ka muujinayaan oo ay ka baqdin qabaan Dagaallo halkaasi ka dhaca.
Sidoo kale Maleeshiyaadka Kooxda Al Shabaab ayaa dhankooda lagu soo waramayaa in ay Wadaan dhaqdhaqaaq Ciidan oo ay ugu diyaar garoobayaan Dagaallo kaga yimaada dhinaca Ciidamada Amxaaradda, waxaana dadka qaar ay bilaabeen in ay isaga barakacaan Goobaha ay Xiisadaha ay ka jiraan.
Wixi war ah ee kusoo kordha Dhaqdhaqaaqadan Ciidan ee ka jira Gedo iyo Baay kala soco www.Keydmedia.net
Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.