Cirro oo ka hor yimid muddo kordhinta Muuse Biixi

Cabdiraxmaan Cirro wuxuu xusay in wixii ka dhasha muddo kordhinta loo sameeyay nidaamka talada haya uu qaadi doono Muuse Biixi, wuxuuna taageerayaasha xisbiga Waddani ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan doorasho Madaxweyne.

Warar Keydmedia Online
Cirro oo ka hor yimid muddo kordhinta Muuse Biixi

HARGAYSA, Somaliland – Guddoomiyihii hore ee Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo uu garab taagan yahay Guddoomiyaha Xisbiga Cali Xaaji Xasan ayaa ku dhawaaqay in ay ka soo hor jeedaan muddo kordhin ay shalay Gollaha Guurtida Somaliland u sameeyeen taliska Muuse Biixi Cabdi.

Cirro oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa Madaxweynaha Maamulka Somaliland ku eedeeyay inuu ku tuntay dimuqraadiyaddii Somaliland, isla-markaana uu diiday xal siyaasadeed oo ku yimaada wada-tashi, wada-hadal iyo hishiis ay garwadeyn ka yihiin waxgaradka iyo daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka Somaliland.

“Haddii uu soo ooday dariiq kasta oo Somaliland ku xallin lahayd cakirnaanta siyaasadeed, Xisbiga Waddani ma aqbali doono kororsiimo, muddo xileedka Muuse Biixi wuxuu ku egyahay 13 November, wixii xilligaas ka danbeeya Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa uma aqoonsan doonno kuwo sharciyad ku fadhiya”. Ayuu yiri Cabdiraxmaan Cirro.

Cirro wuxuu xusay in wixii ka dhasha muddo kordhinta loo sameeyay nidaamka talada haya uu qaadi doono Muuse Biixi, wuxuuna taageerayaasha xisbiga Waddani ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan doorasho Madaxweyne oo uu sheegay in ay u mari doonaan dariiq kasta oo meesha looga saarayo maamulka uu hoggaamiyo Muuse Biixi.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe ayaa isna la filayaa inuu saacadaha soo aaddan saxaafadda kula haldo Hargeysa, isla-markaana uu sii baritaaro go’aanka xisbiga Waddini ee ka dhanka ah muddo kordhinta labada sano ah ee Gollaha Guurtida Somaliland shalay u sameeyeen xukuumadda hadda talaha heysa.

Cirro iyo Faysal waxa ay si wadajir ah hore Muuse ugu eedeeyeen inuu soo xiray albaabkii doorashooyinka & dimuqraadiyadda, iyagoo tilmaamay in Muuse uu doonayo inuu Soomaaliland u xukumo sida uu jecel yahay ee uu kursiga ku sii haysan karo taas oo aan sinnaba uga suurtagal ahayn in mucaaradku aqbalaan, waa sida uu hadalka u dhigeene.

Dhawaan Somaliland waxaa ka dhacay bannaan-baxyo dad ku dhinteen, isla-markaana loo xirxiray dad badan, halka Madaxa xafiiska Dowladda Ingiriiska ku leedahay magaalaada Hargeysa Lizzie Walker, ay ugu baaqday Madaxda maamulka Soomaaliland, mucaarad iyo muxaafidba in ay ka fogaadaan tallaabooyin abuuri kara in xaaladdu faraha ka baxdo.

Soomaaliland 30 sano ka hor ayay ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya, hayeeshee, wali ma aysan helin wax aqoonsi ah, adduunku wuxuu ku doodayaa in aqoosiga Somaliland kaliya uu yaallo Muqdisho, isla-markaana ay tahay in ay go’itaankooda kala xaajoodaan Koofurta oo hoggaankeedu uusan ku dhicin inuu dalka kala gooyo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.