KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Aw-Malaay ayaa Sports-ka Soomaaliya ku soo biiray kun sagaal boqol iyo lixdamaadkii, waxaana 1966 sida uu ku sheegay wareysi sanadkii tagay uu Keydmedia Siisay in goolkii ugu quruxda badnaa taariikhda soomaaliya uu dhaliyay, waxaana goolkaasi uu ahaa mid uu Labaaleey(Dhabal) ku dhaliyay Aw-malaay.
Jeylaani oo ka mid ahaa dadkii ku noolaa Muqdisho waayadii barisamaadka ayaa u sheegay Keydmedia in Aw-malaay uu ahaa ciyaaryahan ku wanaagsan kubadda cagta isla markaana xiliyada uu garoonka soo galo laga dareemi jiray farxad iyo soo dhaweyn sabab la xiriirta xirfadda sare ee uu u lahaa ciyaarta.
Burburkii kadib waxa uu ku shaqeyn jiray Gaari gacmeed waxaana suurta gashay in dad badan ay magaciisa bartaan iyadoona dadka ku dhaqan xaafada Buula xuubeey dhamaantood ay wada garanayaan Aw-malaay iyo shaqsiyadiisa.
Waxa ay sheegeen dadka qaarkood inuu ahaa nin dul qaad badan isla markaana mar walba jeclaa inuu isaga noqdo ruuxa tanaasulka sameynaya waaba haddii arin leysku qabto, waxaana mudadii danbe ee gaari gacmeedka uu ku shaqeynayay uu kasbaday saaxibo badan iyo macaamiil kale duwan.
Marxuumka ayaa ifka uga tagay caruur da
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.