COVID-19 oo saameyn ku yeeshay Ganacsiga Soomaaliya

Wasiirka ayaa sheegay in caabuqa COVID-19 uu hakiyay dhaq-dhaqaaqii ganacsiga dalka, iyadoo ganacsatada soo gaartay khasaaro xoog leh oo horey aan usoo maray mudadii burburka.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Ganacsiga C/llaahi Cali Xasan ayaa ka hadlay sida uu Coronavirus u sameeyay dhaqaalihii dalka, oo horey u liicayay islamarkaana aaney jirin kaabiyaal dakhliga kasoo gala dowladda iyo shacabka.

Isagoo ka hadlay kulan Muqdisho ka dhacay ayuu Wasiirka ka sheegay in hadda yaraatay saameyntii cudurka, islamarkaana si tartiib ah usoo laabanayo ganacsiga, inkastoo uu hoosta ka xariiqay inay ganacsatada wali u safri karin dalalka Caalamka.

Wasiirka wuxuu xusay in xiligii uu dalka soo gaarey COVID-19 ay dawladdu canshuur-dhaaf u sameysay ganacsatada wax-u-soo-dhoofisa dalka si loo yareeyo sicir-bararka ku yimi maciishadda iyo heerkii nololeed ee bulshada.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.