Culimada: Waxaa loo baahanyahay Kacdoon Shacab si loo istaajiyo Al-Shabaab!

Muqdisho (KON) - Waxaa Caasimada Dalka, Muqdisho ka socda Maalintii Sadexaad Shiweynaha guud ee Soomaaliya ee xal u helidda mushkiladda Guluwiga “Ku talax tagga Diinta”
Warar Keydmedia Online

Culimada Soomaaliya oo Shirkaas isugu timid ayaa ka doodeyso qodobo badan oo ay ku jirto xagjirnimada.

Ajandaha Shirka ayaa ah Arrimaha Ammaanka, Siyaasadda, doorka Warbaahinta,  arrimaha bulshada,  dhaqaalaha iyo dhanka khibradaha ee ah in khibrado laga kororso dalalka horey u soo martay xagjirnimada ayaa diiradda lagu saaray xagjirnimada iyo sida bulshada loo gaarsiin lahaa fahamka saxda ah ee diinta Islaamka.

Dr C/risaaq Maxamed Cumar “Dakar” oo ka mid ah culumada ka hadashay mowduuca xagjirnimada ah iyo Khariiradda halka ay xagjirnimada Al shabaab kaga jirto ayaa faah faahiyay fikirka takfiir iyo xiliga Soomaaliya ay ka aas aasmeen oo uu ku sheegay in ay sabab u tahay markii qarnigii 19aad ay dalal ay ka mid yihiin Masar iyo Suudaan ka bilawdeen baraaruga cusub ee fikirka khawaarijta.

“1978-dii ayuu dalku ka aas aasmay fikirka takfiirka oo ah fikir dadka lagu gaaleysiinayo, oo waxa uu qayb ka yahay, lana mid yahay fikirka khawaarijta oo kale, kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay laynayaan dadka muslimiinta ah, inkasta oo ay jiraan culimo  Soomaaliyeed  oo u istaagay” ayuu hadakiisa ku daray Sheekh C/risaaq Dakar.

Sheekh Axmed Cabdi Samad oo isna ka hadlayay Ajandaha xagjirnimada ayaa ku booriyay Culumada in ay soo saaraan go’aan mid ah, oo bulshada lagu fahamsiin karo dhibaatada xagjirnimadu ay leedahay.

“Waxaan soo jeedinayaa in shirkaan ay ka soo baxaan xakun sharci ah oo lagu ciqaabi karo kooxda xagjirka ah ee Al shabaab, maadaama ay dhibaato ku hayaan dhalinta aan sida wanaagsan u fahamsaneyn diinta Islaamka oo ay marin habaabinayaan” ayuu hadalkiisa ku daray Sheekh Axmed abdi Samad.

Sheekh Xasan Cali Maxamuud “Xasan Jaamici” oo isna ka hadlay arrintan ayaa sheegay in xagjirnimadu ay tahay fikir qaabeeya qofka caqligiisa, kaasi oo isu badala waxa uu remeysanyahay, islamarkaana qof muslim ah loogu tilmaamo in uu dilo oo loo gaalaysiiyo, isagoo intaa raaciyay in culumada looga fadhiyo sidii ay fikirkaasi qaldan dhalinta looga weecin lahaa.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho | Warsaxaafadeed

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.