CXDS oo dilay in ka badan 127 askari oo ka tirsan Al-Shabaab

Degaaka Booco wuxuu ka mid ahaa degaannada Al-Shabaab ku leeyihiin maxakamada ay dadka ugu yeeraan, halka ay degaanka ku taallay bar koontarool ay ku qaadi jireen lacagaha gawaarida shacabka ee adeegsata jidadka mara degaankaas.

Warar Keydmedia Online
CXDS oo dilay in ka badan 127 askari oo ka tirsan Al-Shabaab

BUULABURDE, Soomaaliya - Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte Cssmaan ayaa hoggaaminaya howlgallo maanta ka socda degaanno ay shalay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa degaanka oo iskaashanaya ay ka saareen Kooxda Al-Shabaab.

Degaannada howlgalladu ka socdaan waxaa ka mid ah degaanka Booco oo shalay ay ciidanka Dowladdu la wareegeen kadib muddo dhowr iyo tobon sanno ah oo ay ka arrimineysay kooxda xiriirka la leh Al-qaacida ee Al-Shabaab.

Sida ay sheegtay Dowladda Soomaaliya howl-galkaan oo lagu baacsanayo haraadiga Al-Shabaab waxaa wadajir u fulinaya Ciidamada Ururka 6 aad ee guutada 16 aad kumaandooska Danab iyo ururka 8 aad ee guutada 18aad ee Gor-gor oo ka tirsan XDS.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte Cusmaan ayaa ka codsaday Dowladda in gurmad deg deg ah lala gaaro dadka degaanka oo la daalaa-dhacaya saameynta ka dhalatay abaarta daran ee ka jirta dalka iyo dhibaatooyinkii sanadaha badan ee Al-Shabaab.

Degaanka Booco wuxuu ka mid ahaa degaannada Al-Shabaab ku leeyihiin maxakamada ay dadka ugu yeeraan, halka ay degaanka ku taallay bar koontarool ay ku qaadi jireen lacagaha gawaarida shacabka ee adeegsata jidadka mara degaankaas.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage, Wasiirka Gaashaandhigga iyo saraakiil kale ayaa shalay cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka kula hadlay jiida hore ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgallada ka socda gobolka Hiiraan waxa ay sheegeen in ku dhawaad 130 dagaalyahan oo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab lagu dilay degaannada ay labadii maalin ee la soo dhaafay ka socdeen dagaallada.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.