KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Wararka KON soo gaaraya ayaa sheegaya in Qaraxaan lala eegtey gawaari ay saarnaayeen Wasiirka arimaha gudaha C/kariin Xuseen Gulled iyo wafdi ka socday wadanka Qatar.
Gaarigaan oo laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa ayaa isla simay gaari uu lahaa wasiirka arimaha gudaha iyo Amniga qaranka hase yeeshee uusan wasiirku saarneyn xiliga uu weerarku dhacayay
Inta la og yahay ilaa iyo hada 9 Qof ayaa ku dhimatay qarax iyo is-rasaaseyn xigtay oo saaka ka dhacday isgoyska KM 4 ee magaalada Muqdisho.
In kastoo awooddeeda la wiiqay, kooxda al-Shabaab waxay weli weerarro ka geysataa gudaha Muqdisho.
Bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii Maleeshiyada al-Shabaab ay weerareen dhismaha maxkamadda Muqdisho.
Wixii kusoo kordha Warkaan kala soco Keydmedia.net
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho | Masawirada: Qadar Cali Nur




Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.