KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Marka aan tagay qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Baladweyne ayaa waxaa dadweynuhu ay u muuqdeen kuwo aysan ku jirin cabsi badan oo xaga amaanka ah.
Dadweynuhu waxay kuu sheegayaan in haatan magaaladu ay ka roontay sidii isla markaana amaanka dartiis haatan dadweynuhu ay iska socddaan xiliga ay doonaan.
Inkastoo xaalada Nabadgalyada ay iska fiicantahay ayaa hadana waxaa jira dadweynaha magaalada oo qaar kood iska qaba wali cabsi ku aadan in Al-Shabaab ay ku soo laabtaan magaalada.
Gudaha magaalada Baladweyne waxaa ku wada sugan ciidamada dowlada iyo waliba ciidamada jabuuti ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa jooga magaalada ciidamo Itoobiyaan ah kuwaasi oo ku sugan daafaha magaalada, waxaana naloo sheegay in wax shaqo ah aysan ka qaban gudaha magaalada.
Keydmedia Online - Xafiiska Baladweyne
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.