Dab ka kacay Kismaayo

Kismaayo (KON) - Dab khasaare geystay ayaa maanta ka kacay suuqa shidaalka ee magaalada Kismaayo ee xarunta gobbolka Jubbada Hoose, ayadoona dabkaasi uu sababay baaba'a hanti aad u fara badan.
Warar Keydmedia Online

Dabkaan ayaa ka dhashay kadib markii uu dab qabsaday foostooyin shidaal ka buuxay oo yaalay mid kamid ah Bakhaaradah shidaalka ee magaalada Kismaayo.

Ilaa hadda inta la xaqiijyay 3 Bakhaar oo kamid ahaa kuwo shidaalka ee suuqa Imbilitooriya ee magaalada Kismaayo.

Intaasi kadib dadka suuqa ku sugnaa ayaa markii dambe ku guuleystay inay damiyaan dabka oo aad looga cabsi qabay inuu sii fido.

Keydmedia Online - Xafiiska Kismaayo

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.