Dacwo ka dhan ah Farmaajo oo loo gudbiyay ICC

Farmaajo, oo muddo sanad ah ku darsaday waqtigiisii sharciga ahaa, ayaa shanti sano ee uu xaafiiska joogay ku tuntay shuruucdii dalka, wuxuuna galay danbiyo waaweyn oo ay waajib tahay in lagala xisaabtamo.  

Warar Keydmedia Online
Dacwo ka dhan ah Farmaajo oo loo gudbiyay ICC

MUQDISHO, Soomaaliya - Xeer ilaaliye ku xigeenkii hore ee Qaranka, Dr. Mukhtaar Nuur Abuukar, ayaa shaaca ka qaaday in dacwo ka dhan ah Madaxweynihii hore, Farmaajo loo gudbiyay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada, taas oo ku taal Hague, Netherlands.

Wuxuu xusay in ay furan tahay tallaabada lagula xisaabtamayo Farmaajo iyo shaqsiyaadka xilka iyo awoodda loo dhiibay ku tafri-falay, gudaha iyo dibaddaba, isla-markaana horraanba aqoon yahanno uu isagu ka mid yahay Farmaajo ka gudbiyeen dacwo.

Sida uu xaqiijiyay qodobbada lagu eedeeyay Farmaajo ee loo gudubiyay Maxkamadda Dambiyada, waxaa ka mid ah kiiska Ikraan Tahliil Faarax, duullaankii 17 December 2017 lagu qaaday Xarunta Xisbiga Wadajir iyo gabood-fallo kale oo waaweyn.

“Waxaa jira aqoon yahaano badan oo aan wada shaqeyno, dacwo ayaa International Criminal Court [ICC] loo gudbiyay, arrintii Ikraan ayaa ka mid ah, arrintii Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo ciidamadiisii la baabi’yay ayaa ka mid ah”. Ayuu yiri  Dr. Mukhtaar.

Wuxuu sheegay in Farmaajo oo la rabay inuu dastuurka ilaaliyo uu gabbaad u noqday danbiilayaal ay ka mid yihiin Fahad iyo Yaasiin Farey, kuwaas oo ku eedeysan af-duubka Ikraan, taasna oo ka dhigan inuu isagu yahay danbiilaha gu weyn maadaama uu sharciga ku tuntay.

Shaqsiyaadka danbiga galay ee hadda raadinaya xasaanadda xildhibaannimo ayuu sheegay in aysan ku baxsan doonin ka mid noqoshada baarlamaanka 11-aad, isla-markaana bannaanka looga soo saari doono golayaaha, si wax looga weydiiyo jarriimooyinka ay galeen.

“Haddaad doontid Xildhibaan noqo, isla-xisaabtanku wuu yaalla, kuwa moodaya in xasaanadda xildhibaannimo ku badbaadayaan, ha ogaadaan in danbiga ay galeen in laga jaaseeyo aysan xasaanad ka celin karin”. Ayuu ku sii daray.

Farmaajo, oo muddo sanad ah ku darsaday waqtigiisii sharciga ahaa, ayaa shanti sano ee uu xaafiiska joogay ku tuntay shuruucdii dalka, wuxuuna galay danbiyo waaweyn oo ay waajib tahay in lagala xisaabtamo.  

Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada, oo ah halka loo gudbiyay dacwada Farmaajo ka dhanka ah, ayaa awood u leh inay ku oogto danbiyada lagu eedeeyay, ee xasuuqa, gabood-fallada ka dhanka ah aadanaha iyo dembiyada dagaalku ku jiraan.

ICC, waxa ay hore ugu yeertay Madaxweynayal badan, oo ay ku jiraan, Cumar Al-Bashiir, [Suudaan] Uhuru Kenyatta, [Kenya] Mucamar Al-Qadaafi, [Liibiya ] Laurent Gbagbo [Ivory Coast] iyo Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Jean Pierre Bemba.

KEYDMEDIA ONLINE.

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.