Dad hal qoys ah oo lagu laayay Shabeellaha dhexe [Warsheekh]

Maalmo ka hor ayay ahayd markii la soo afjaray dagaal beeleed khasaare xooggan sababay oo todobaadyadii la soo dhaafay ka socday degaanno hoos taga degmada Cadale, kaas oo uu ugu danbeyn laga soo saaray baaq nabadeed kaasoo uu taageeray Madaxweynaha dalka.

Warar Keydmedia Online
Dad hal qoys ah oo lagu laayay Shabeellaha dhexe [Warsheekh]

MUQDISHO, Soomaaliya – Wararka ka imaanaya degaanka Warsheekh ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in ugu yaraan Saddex ruux oo hal qoys ah oo haween iyo carruur isugu jira aano qabiil loogu dilay Tuulada Xaluule oo hoos tagta Warsheekh.

Dadka la dilay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Safiya Sheekh Abuukarow, ayeeydeed Sangaabo Maxamuud Xuseen iyo walaalkeed Abuukar Iidow, halka dalka wax-yeelladu gaartay uu ka mid yahay abtigeed Sheekh Muxamed Sheekh Cabdi Celi.

Sida ay warsidaha Keydmedia Online u xaqiijiyeen ehellada dadla la laayay dhammaan marxuumiintaan loo dilay aanada qabiil ayaa ka mid ahaa jameecada reer Cabdiraxmaan Celi oo xarun weyn ku leh degaanka Warsheekh ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii la soo afjaray dagaal beeleed khasaare xooggan sababay oo todobaadyadii la soo dhaafay ka socday degaanno hoos taga degmada Cadale, kaasoo ugu danbeyn laga soo saaray baaq nabadeed uu taageeray Madaxweynaha dalka.

Baaqa nabadeed oo loogu yeeray BAAQA CADALE ay soo saareen odayaasha dhaqanka, culumada iyo qeybaha bulshada kaas oo adkeynaya  heshiisiinta bulashada, ciribtirka jidgooyooyinka sharci darrada ah iyo  dardargelinta dagaalka ka dhanka Al-Shabaab.

Aanooyinka qabiil iyo isku-dhaca beelaha wada dega Shabeellaha dhexe ayaa sare u kacay tan iyo markii uu billowday howl-galka ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab, waxaana la rumeysan yahay in falalkaas amni darro ay ku lug leeyihiin gacmo ka baxsan qabiillada.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.