Dad ku dhintay Shil ka dhacay Muqdisho

Shilka gaadiidka Mooto Bajaajta ayaa loo sababeeyaa xirfad yarida wadayaasha iyo bur-burka wadooyinka. 

Warar Keydmedia Online
Dad ku dhintay Shil ka dhacay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan labo ruux oo shacab ahaa ayaa ku geeriyootay shil baabuur oo gabal dhicii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, ee Caasimada dalka.

Shilkaan ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen Mooto Bajaaj iyo gaadiid kale oo marayay agagaarka shirkadda Coca-Cola oo ku taallo degmada Yaaqshiid.

Goobjooge ayaa sheegay inuu arkay maydadka labada ruux ee geeriyootay, oo ahaa labo wiil oo dhalinyaro ah, oo Mootada saarnaa.

"Goob jooge ayaan u ahaa dhacdada, waxey aheyd salaaddi Maqrib kahor, meesha ayaan ku maray Mootoda oo burburtay," ayuu qof goobjoogaha oo la hadlay Keydmedia Online.

Shilalka Mooto Bajaajta ayaa loo sababeeyaa xirfad yarida wadayaasha, oo aad u liidata iyo bur-burka wadooyinka dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.