Dad shacab ah oo lagu laayay Shabeellaha hoose

Qaar ka mid ah ehelada dadka la laayay oo warbaahinta la hadlay ayaa dalbaday in cadaaladda la horkeeno shaqsiyadkii ka danbeeyay falka xasuuqa ah, xilli la soo warinayo in xiisad colaadeed ka aloosan tahay degaanka Cadayley.

Warar Keydmedia Online
Dad shacab ah oo lagu laayay Shabeellaha hoose

Afgooye, Soomaaliya - Kooxo ku hubeysnaa qoryaha AK47 ayaa weerar ku qaaday goob ay ka socotay Xaflad Aroos oo ku taalla tuulada Cadayley oo u dhow degaanka Buulalow oo hoos taga degmada Afgooye, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan shan qof ay ku dhinteen sagaal kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo dadka dhaawacmay loo qaaday degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose si halkaasi loogula tacaalo xaaladdooda caafimaad.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidamada ammaanka oo gaaray goobta uu weerarka ka dhacay, aysan cidna ku soo qaban howlgallo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay falka lagu xasuuqay dadka shacabka ah ee aan waxba galasan.

Qaar ka mid ah ehelada dadka la laayay oo warbaahinta la hadlay ayaa dalbaday in cadaaladda la horkeeno shaqsiyadkii ka danbeeyay falka xasuuqa ah, xilli la soo warinayo in xiisad colaadeed ka aloosan tahay degaanka Cadayley.

Ilaa hadda ma cadda sababta ka danbeysa weerarka iyo sababta loo beegsaday goobta ay ka socotay farxadda arooska, yeelkeedi booliska oo arrinkaan aan si faahfaahsan uga hadlin ayaa ku gaabsaday in ay wadaan barritaanno xaqiiqo raadin ah.

Dhawaan ayay aheyd markii Kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen goob ay ka socotay Xaflad Aroos oo ku taalla duleedka degmada Caabudwaaq ee bartamaha dalka Soomaaliya, halaasoo uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.