Dad Caawa lagu dilay Gaalkacyo

Gaalkacyo (KON) - Waxaa Caaway xaafadda Garsoor, Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug lagu dilay Labo Ruux, Qof kalenah lagu dhaawacay.
Warar Keydmedia Online

Kooxo ku hubeysanaa Bastoolado ayaa Labadaan Nin ku toogteen Xaafada.

Goobjoogayaal lasoo hadleen Xafiiska Keydmedia Online ee Gaalkacyo ayaa inoo Xaqiijiyeen in Labadaan Qof lagu toogtay Bartamaha Xaafada, Ruuxa Sadexaadnah uu dhaawacmay.

Maalmo kahor ayay ahayd markii baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay lagu weeraray Taliye ku xigeenka maamulka Puntland.

Dilkaana waxa uu qayb kayahay dilal qorsheysan oo waayahn ka socdey Waqooyiga Gaalkacyo iyo Boosaaso Maamulka Puntland waxaana dad ban saadaalinayaan in ay lug ku leedahay arinta siyaasadeed ee ka dhex aloosan Maamulka Puntland.

Keydmedia Online - Xafiiska Gaalkacyo

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.