Caruur hor leh oo Gaajo ugu Geeriyooday Buulabarde

Buulabarde(KON)-Xili Dad gaaraya 40 Ruux ay Degmada Buulabarde ee Gobolka Hiiraan ay ugu geeriyoodeen Macaluul iyo Gaajo ayaa waxaa wali sii socda Dhimashada Dadka Danyartaa.
Warar Keydmedia Online
Caruur hor leh oo Gaajo ugu Geeriyooday Buulabarde

C/qaadir Muuse oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan  Degmada Buulabarde ayaa Keydmedia online   u sheegay in 4 Caruur ah ay Shalay Degmada Buulabarde ay ku geeriyoodeen,kuwaas oo Nafaqo  daro iyo Gaajo u geeriyooday.

Waxaa uu sheegay in Degmada Buulabarde ee Gobolka Hiiraan ay Go’doomiyeen Maleeshiyada Kooxda Al-shabaab islamarkaana Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM Diyaarado Aricopter ah Saadka lagu soo gaarsiiyo.

“Dadka Xaalad adag ayey ku nool yihiin Koobkii Shaaha ahaa waxaa uu gaaray 20.000 kun oo Shilninka Soomaaligaa,waxaan Codsaneynaa in Al-shabaab si fiican Degmada looga Xoreyo si Shacabka loo badbaadiyo”ayuu yiri C/qaadir.

Degmada Buulabarde ee Gobolka Hiiraan ayaa  waxaa Maleeshiyada  Al-shabaab ay ku soo rogeen Cuno qabatee Dadka Shacabkaa ay sareen aydoona Dadka ay bilaabeen in ay baahi u geeriyoodaan.

Keydmedia online – Xafiiska Muqdisho

 

 

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.