Dad iyo Waxyaabo qarxa oo lagu qabtay Beledweyne

BELEDWEYE (Keydmedia) - Wararka laga helayo Magaalda Beledweyne ee Xaruunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Ciidmada ku sugan Gudaha magaaldaasi ay qabteen Dad iyo Waxyaabo qarxa oo ay wateen.
Warar Keydmedia Online

Axmed Cabdulle Inji oo ah ku xigeenka Dhinaca Ammaanka ee Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa u sheegay Warbaahinta in Ciidamda Maamulkiisa ay ku guulaysteen Howlgallo kadib inay gacanta kusoo dhigaan 4 Qof oo watay Waxyaabo qarxa kuwaasi oo doonayay inay Weeraro ka fuliyaan Beledweyne.

Axmed Inji ayaa sidoo kale tilmaamay in howlgalkan uu ay dadka iyo Waxyaabah qarxa ay kusoo qabteen inuu dhacay kaddib markii dadka deegaanka ay kusoo wargaliyeen Ciidmada Ammaanka ee Maamulka Hiiraan.

Wuxuu xusay Inji in dadkii lagu qabtay Waxyaabahaasi qarxa islamarkaana xilligaani ay ku jiraan Xabsi ku yaalla Magaalada Baladweyne,islamarkaana Baaritaanno ay ku hayan.

Beledweyne waxaa ay kamid tahay Magaalooyinkii lagala wareegay Al shabab oo ku yaalla Bartamaha Dalka Soomaaliya,waxaana Mudooyinkan ka dhacaya Falal Amni darro oo ay kamid yihiin Dilal iyo Qaraxyo ay dad badan ku geeriyoodeen.

Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.