Dadka Muqdisho oo noqday Canshuur bixiyayaal dhiban

Adeegyadii bulshada aas aasiga u ahaa ma heystaan dadka Muqdisho, waana kuwo si joogta ah u bixiya lacagta canshuurta.

Warar Keydmedia Online
Dadka Muqdisho oo noqday Canshuur bixiyayaal dhiban

MUQDISHO, Soomaaliya- Dadka Muqdisho ayaa wajahaya caqabado kala duwan, mana heystaan adeegyada muhiimka u ah bulshada sida, amniga, caafimaadka iyo waxbarashada.

Waxey si joogta ah u bixiyaan lacagaha canshuuraha ee ay dowladda hoose qaado, balse dib looguma soo celiyo, waxeyna ku dhacdaa jeebka dad calooshood u shaqeystayaal ah.

Dhibaatadaas ayaa waqtigan ah mida ugu horeyso ee ay bulshadu dalbaneyso in wax laga qabto, waxaana looga fadhiyaa maamulka cusub ee dhawaan gobolka loo magacaabay.

Dadka canshuur bixiyayaasha ah ee cabanaya waxaa ka mid ah gaadiidleyda, kuwaas oo aanan heysan wado ay isticmaalaan, maaddaama jidadka qaar ay xiran yihiin halka kuwo kalana uu bur bur ka muuqdo.

Dhibaatada amni ee jirta, waxey dadka Muqdisho ku qasabtay in ay canshuur labaad siiyaan Al Shabaab iyo Daacish, welina waa kuwo ku nool cabsi iyo walaac joogta ah.

Duqa cusub oo markii labaad fursad u helay inuu hoggaan u noqdo gobolka, ayaa laga sugayaa, in canshuuraha gobolka u soo xarooda, qaarkood uu ku fuliyo adeegyada muhiimka u ah shacabka ee ay.baahan yihiin, waxaase haddii uu taasi hareer maro bulshadu u aqoonsan doontaa hoggaan aan wax badan ka duwaneyn kuwii ka horeeyey.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.