Dadka ku nool Ex Fiyoore oo ka cabanaya ciidanka Dowladda

Muqdisho(Keydmedia) Qoysaska Soomaaliyeed ee iminka ku nool hoygii fanaaniinta Ex Fiyoore ee Magaalada Muqdisho ayaa cabasha balaaran ka muujinaya qaab dhaqanka Ciidamada dowladda ee ku sugan agagaarka Tiyaatarka iyo Ex fiyoore.
Warar Keydmedia Online

Shacabka ayaa sheegay in ciidamada halkaasi ay ka geestaan falal lagu qal qal galinayo ammaanka iyagoona mararka qaarkood ooda ka qaada rasaas sababta dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah.

Xalay fiidkii ayaa askari ka tirsan ciidanka dowladda ee ku sugan halkaasi rasaas uu furay waxaa ku geeriyooday hal wiil iyadoona ay ku dhaawacmeen seddex kale oo ka tirsanaa dadka dagan goobta.

Xalwo Naxar oo dhashay qaar ka mid ah caruurta dhaawaca uu gaaray ayaa sheegtay in talaabadani ay tahay mid si weyn looga naxo isla markaana waxay ka dalbatay dowladda in arinkan wax laga qabto.

Ex fiyoore ayaa iminka waxaa ku nool qeyba ka mid ah qoysaska Fanaaniinta iyo abwaanada Soomaaliyeed ee xiligan ku nool magaalada Muqdisho, waxaana bahdaasi ay yihiin kuwa dugsanaya Xasuustoodii Tiyaatarka qaranka iyo waayadii barisamaadka.

 www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.