Dadka reer muqdisho oo ka cabanaya xirnaashaha wadada hor marta Taalada Sayidka

Dadka ku nool Magaalada Muqdisho gaar ahaan kuwa adeegsada PL-da ka dhex shaqeeya inta u dhaxeysa Xamar-weyene iyo KM4 iyo xamar-weyne iyo bakaaraha ayaa cabasha ka muujinaya xirnaashaha maalinkii labaad wadada sayidka dhinac marta.
Warar Keydmedia Online

Tan iyo shalay ayaa wadadaasi waxaa isku gadaamay ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada iyo ciidamada AMISOM ee taageera sabab la xiriirta Barlamaanka oo halkaasi ku shirsan.

"Gaadiidka waxa ay adeegsanayaan jidka waabari ee Mara buundooyinka, halkaasna waxaa dadka ku baarta ciidamo ka tirsan Dowlada, sidaa darteed waxaan codsaneynaa in wadada sayidka la furo oo aan marno" sidaa waxaa yiri mid ka mid ah Darawalada oo si weyn ay isugu maan dhaafeen isaga iyo rakaabka Maritaanak wadada buundooyinka.

Inta badan xiliyada uu socda shirka Barlamaanka ayaa wadadaasi waxa ay tahay mid loo diido shacabka iyadoona aanu jirin qorshe muuqda oo lagu sugaya amaanka wadada kale  oo iyadu ah mid halis ah isla markaana gaadiidka dadweynaha lagu baarto.

www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.