Dadka Xoogsatada ah ee Dekedda Muqdishu oo Musuqmaasuq ka Cabanaya

Muqdisho (Keydmedia) - Dadka xoogooda kaga xamaasha Dekedda Weyne ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay si aad ah uga cabanayaan Dhibaatooyin iyo Musuqmaasuq Baahsan oo ka dhex jira jira Maamulka Dekedda.
Warar Keydmedia Online

Qaar ka tirsan Muruq maalatada Dekedda oo Maanta Shir Jaraa’id ugu qabtay Saxaafadda Magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay Waxyaabaha ay ka Cabanayaan,waxaana ay sheegeen inay Qaati ka taagan yihiin Musuqmaasuq ku salaysan Qabiil oo in Mudoo ah soo jiitamayay.

Dhibanayaashan Cabanaya ayaa tilmaamay in qaarkood Mudoo ka badan 20-sano ay kasoo shaqaynayeen Dekedda, balse aysan arag Middan oo kale,waxaana ay xuseen in dadka Maamulka uga ah Dowladda KMG ay Faquuqid ka dhex billaabeen dadka Muruqmaalatada ah ee Soomaali isku dhafka,iyagoo sheegay in si Siman loo siin waxay Xoogsadeen.

Si kastaba,Cabashadaan ka soo yeertay Xamaalada Dekedda Weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ayaa waxay tahay mid ku salaysan Qabyaalad iyo Musuqmaasuqa ka dhextaagan TFG kaasi oo saameeyay qaabka shaqada muruq maalka Dekedda ay uga dhex xamaashaan.

Dekedda Muqdisho ayaa waxa ay Udub Dhexaad u tahay Dhaqaalaha Dowladda KMG gadaal ka riixaya inay shaqeeyaan Hay’adaheeda,waxaana loo Maamulaa Qaab ku salaysan Qabiil maadaama intii uu dalka ku jiray Dimaad la’aanta iyo Fowdada oo Hal Qabiil Gacanta ku hayay.

Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho


    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.