KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Waxaa xafladaasi ka soo qaybgalay dadweyna aad u fara badan, waxaana xafladii aayada Quraan ah ku furay Hirse oo ka hadlay ahmiyada waxbarashada ay diinta Islaamka siisay. Waxaa kaloo meesha ka hadlay sheikh Abdullahi oo xusay Taariikh nololeedkii Marxuum Abshir Nur Farax (Bacadle), ducana meeshaasi uga soo jeediyay.
Waxaa goobtaasi warbixin ku saabsan hawlaha horumarinta Galmudug ka soo jeediyey Mohamed Ali Aden oo ka mid ah hawlwadeenayaasha Canada. Wuxuu Mohamed Ali ka hadlay horumarka Gobolka uu ka samaeeyey dhinaca waxbarashada, caafimaadka, gargaarka danyarta iyo agoonta, hawlaha shaqa abuurida iyo abuurista Jaamicada Gaalkacyo. Hadaladii Mohamed Ali waxaa ka mid ahaa “ walaalayaal Ummaddeena aan ugu gargaarno horumarinta waxbarashada, si looga baxo dhibaatada raagtay ee dalkeena”.
Waxaa dadweynihii ka soo qaybgalay ka dib dhagaysteen warbixino cod ah oo laga soo duubay gudoomiyaha Jaamacada Dr. Abdulkadir Shirwac, Xoghayaha MUFED Ahmed Khayre Ingiis iyo wakiilka Canada Cali Bashiir Nur, waxayna dhamaantooda ka hadleen sida ay ugu faraxsanyihiin in Jaamacada Gaalkacyo la furay. Waxay dadweynaha qurbajoogta ku baraarujiyeen in ay gargaar u fidiyaan horumarinta waxbarashada dalka. Waxaa kaloo la dhagaystay laba arday oo kal ah Hamdi Abdulkadir Sheikh Aden (Hamdi GU) iyo Abdullahi Moallim Hassan Awale, oo nasiib u halay in ay ka mid noqdeen ardaydii ugu horaysay oo gasha Jaamacada Gaalkacyo. Run ahaantii dadweynihii halkaa fadhiyey waxay geliyeen qiiro aad u weyn, wayna u wada riyaaqeen.
Hibaaq Gelle oo ah ardayad wax ka barato Jaamacada Toronto, iyadoo ku hadlayso magaca dhallinyarada Soomaaliyeed ee wax ka barta magaalada Toronto ayaa meeshaasi ka soo jeedisay khudbad qiira leh, waxayna u hambalyeysay ardayda waxbarashada ka bilawday Jaamacada Gaalkacyo. Waxayna ku guubaabisay dhallinyarado reer Toronto in ay ku daydaan dhalinyarada Soomaaliyeed oo dalkii hooyo joogta oo iyagoo dhibaatooyin fara badan haysata gu guulaysanaayaan in ay Jaamacada galaan.
Waxaa ugu dambayntii meeshaasi hambalyo ka soo jeediyay dad fara badan oo ka mid ahaa ka soo qaybgalayaashii, waxayna dhamaantooda balan qaadeen in ay wixii gargaar ah oo Jaamacada u baahan tahay ay ka hagran doonin. Waxaa kaloo hambalyo soo direen dadweyne fara badan, waxaana ka mid ah arday wax ka barta dalka Malaysia oo la yiraahdo Abdulaahi Cigaal Qayliye, wuxuuna isaga ballan qaaday in uu Jaamacada ku kaalmayn doonaan dhinaca Buugaagta cilmiga ah.
Daawo Masawirada:











keydmedia.net
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.