Dagaal beeleed ka qarxay Galgaduud

Dagaal u dhaxeeya laba beelood ayaa ka qarxay gobolka Galgaduud, waxa uuna geystay khasaaro kala duwan

Warar Keydmedia Online
Dagaal beeleed ka qarxay Galgaduud

MUQDISHO, Soomaaliya - Dagaal Geystay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo dhex maray malashiyaad kasoo kala jeeda laba beelood oo wada daga gobolka Gaduud gaar ahaan Guriceel iyo Balanbale.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Haraale oo hoostaga Balanballe ayaa sababay dhimashada hal ruux iyo dhaawaca 7 kale  waxaana dadka ku waxyeelloobay dagaalka la geeyay isbitaalka Balanballe.

Dagaal beeleedyada udhaxeeya dadka daga labada demo ee Balambale iyo Guriceel ayaa soo noqnoqday, iyadoo dhowr jeer oo hore dad kala duwan loogu dilay aanooyin qabiil.

Galmudug ayaa la daalaa dhacaysa dhibaatooyin dhowra oo ay kamid yihiin dagaal beeleedyada iyo kooxda Al-Shabaab oo dhowr goobood kala wareegtay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.