KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Dagaal udhaxeeya laba maleeshiyo beeleed ayaa ka billowday galinkii dambe ee maanta degaanka Kaxandhaale oo ka tirsan gobolka Galgaduud.
DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Deegaan lagu magacaabo Galgalad oo Kaxandhaale 6 Km u jirta ayaa waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed oo ka soo kala needs degmada Galinsoor iyo degaanka Dhabad oo kawada tirsan gobolka Galgaduud.
Sadax ruux ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen halkaasi, iyadoo sidoo kalena uu jiro dhaawac inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn tirada.
Dagaal beeleedka ayaa salka ku haya muran dhul oo muddo soo jiitamayey mana jirto cid kala dhex gashay labada dhinac, iyadoo baaq loo diray nabadoonada ku haybta ah maleeshiyaadka halkaasi ku dagaallamaya.
Laamaha amniga ee Galmudug ayaan weli wax war ah kasoo saarin, iyadoo maanta dagaal qaraar uu ku dhexmaray degaanka Wisil ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug oo isgarabsanaya iyo dagaalyahannada Al-Shabaab.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.