Dagaal beeleed ka socda Warshiikh

Dagaal beeleedyo ay dad badani ku dhinteen ayaa waxay ka dhaceen tuulooyin hoos yimaada Degmada Warsheekh, sida maamulka degmada uu usheegay warbaahinta gudaha.

Warar Keydmedia Online
Dagaal beeleed ka socda Warshiikh

WARSHIIKH, Soomaaliya - Degmada Warshiikh oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ku soo noqnoqday dagaal beeleedyo ay dad badani ku naf waayeen, kuwaasoo marba marka ka dambeysa sii kordhaya, dilalka ku saleysan aanooyinka qabiilka iyo dhul daaqsimeedka deegaanada ayaa sabab u ah hurinta colaadaha qabaa'illada gobolka.

Sagaal Guri ayaa lagu gubay tuulooyin hoostaga degmada Warshiikh oo dagaal beeleedyo xooggani ka socdaan, maamulka degmada Warshiikh ayaa ku eedeeyay in dagaalka ay qeyb ka yihiin Ciidamada dowladda. guddoomiyaha degmada Warsheekh ayaa ka codsaday madaxda dowladda Soomaaliya, tan maamul goboleedka Hirshabeelle iyo Maxkamadda ciidamada qalabka sidda in si deg deg ah loosoo faragaliyo dagaalada ka holcaya.

Dagaal beeleedyada ka socda tuulooyinka hoos yimaada Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa gaystay khasaaro kala duwan, waxaana malleyshiyadka dagaalamaya ay iska gubeen guryo iyo beero, ma jiraan waan-waan socota oo u dhaxaysa dhinacyada dagaallamay, maamulka Hirshabeelle iyo DF ayaan weli ka hadlin dagalladaas oo ah kuwo soo noq-noqday.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.