Dagaal culus oo ka dhacay gobolka Sh/Dhexe

Taliyaha Ciidanka Jen Odowa Yuusuf Raage ayaa sheegay inay ka dileen Kooxda Al-Shabaab 15 xubnood.

Warar Keydmedia Online
Dagaal culus oo ka dhacay gobolka Sh/Dhexe

MUQDISHO, Soomaaliya - Dagaal xoog leh uu dhaxeeyay Ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab ayaa ka dhacay degaanno ku yaalla duleedka Raaga-Ceelle iyo Jowhar, oo katirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Taliyaha Ciidanka xoogga, Jen Odowaa Yuusuf Raage oo Ciidanka hogaaminaya ayaa sheegaya inay duuleen ku qaadeen degaannada Warciis iyo Labashiir, islamarkaana ay kala wareegeen Kooxda Al-Shabaab kadib dagaal qaatay mudo saacado ah.

Wuxuu intaasi ku daraya taliyaha inay dileen 15 xubnood oo Al-Shabaab ah, sidoo kalena ay nolosha ku qabteen dhalinyaro badan oo Kooxda u dagaalamayay, kuwaasoo uu xusay in dhaqan-celin loo sameyn doono.

Jen Odowaa ayaa tilmaamay in howlgallada ka socda Shabeellaha Dhexe ay sii socon doonaan inta Al-Shabaab ay ka saarayaan dhamaan goobaha ay ku sugan tahay, islamarkaana ay ka xaqiijinayaan amaanka wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.

Todobaadkii tagey, Ciidanka dowladda ayaa la wareegay dhowr degaan oo gobolka ku yaalla, iyagoo sidoo kale u suurta-gashay inay isku furaan tuulooyin badan oo horey Al-Shabaab u go'doomisay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.