Dagaal ka dhacay Gobolka Mudug

Khasaarooyin kala duwan ayaa ka dhashay dagaal u dhaxeeyay laba maleeshiye beeleed oo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Mudug, ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online

GAALKACYO, Soomaaliya - Dagaal xoog leh oo dhaxeeya labo Malleeshiyo beeleed ayaa ka dhacay deegaano lagu magacaabo Barwaaqo iyo Beyre, oo katirsan Gobolka Mudug, iyadoo labada dhinac wali ay isku hor-fadhiyaan goobaha colaadda.

Dagaal beeleedka ayaa ka billowday dilka Nabadoon caan ahaa oo ka dhacay deegaanka Bursaalax, iyadoo beesha marxuumka ay markii dambe duulaan ku qaadey beesha kale, waxaana taasi sababtay dhimasho iyo dhaawac kale.

Labada dhinac oo kasoo jeeda Puntland ayaa dagaalkooda kusoo beegmayaa xili ay socdaan dedaallo lagu dhameynayo colaadaha soo noq-noqday ee ka dhaca Gobolka, kuwaasoo barakiciyay qoysas badan, sidoo kalena ay ku dhinteen dad badan oo shacab ahaa.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.