Dagaal ka dhacay Jubada Hoose

Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay dagaal xooggan oo Jubada Hoose ku dhex maray Al Shabaab iyo ATMIS.

Warar Keydmedia Online
Dagaal ka dhacay Jubada Hoose

JUBADA HOOSE, Soomaaliya- dagaal aad u qaraar ayaa xalay deggaanka Kuulbiyow ku dhex maray Al Shabaab iyo ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta.

Dagaalka ayaa bilawday kadib markii ay Al Shabaab soo weerareen, fariisimaha ay ciidamada Kenya ku leeyihiin deggaanka Kuulbiyow ee hoostaga degmada Badhaadhe ee gobolka Jubada Hoose.

Dhinacyada dagaallamay ayaa isku adeegsaday, hubka noocyadiisa kala duwan, waxana dhawaqa rasaasta laga maqlayey meelaha ka agdhaw halka ay dirirtu ka socotay.

Dadkii deganaa goobaha uu dagaalku ka dhacay, ayaa ka barakacay guryahooda, welina waa kuwo dareemaya cabsi xooggan oo ku wajahan in dagaalku uu mar labaad billawdo.

Ilaa iyo hadda lama ogga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay Kulbiyow, waxaase jirta in guulo ay kala sheegteen dhinacyadii dagaallamay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.