Dagaal ka dhex billowday Al-Shabaab iyo Axmed Diiriye oo baxsad ah

Mahad Karataay ayaa isaga iyo xubno kale dhawaan laga saarey gollaha fulinta Al-Shabaab, kadib markii ay is khilaafeen Axmed Diiriye oo ah hogaamiye Kooxdan xiriirka la leh Al-Qaacida.

Warar Keydmedia Online
Dagaal ka dhex billowday Al-Shabaab iyo Axmed Diiriye oo baxsad ah

KISMAAYO, Soomaaliya - Taliyaha Sirdoonka Jubaland Col. Khaalid C/llaahi ayaa sheegay in khilaafka madaxda sare ee Al-Shabaab uu soo ifbaxay todobaadkii hore kadib markii la dilay madaxdii Kooxda u qaabilsanaa Jubbooyinka oo lagu magacaabi jirey Cabdifitaax Barre.

Waxaa kaloo xabsiga la dhigay horjooge kale oo Odey Guure lagu magacaabo, kaasoo kamid ah garabka kasoo horjeeda Axmed Diiriye, oo khilaaf xooggan kala dhaxeeya Mahad Karatataay, oo ku xigeenkiisa ah, sidoo kalena hogaamiya Amniyaatka.

Warar hoose oo Keydmedia Online ka heshay gudaha Al-Shabaab ayaa sheegaya in hogaamiye Axmed Diiriye uu baxsad yahay, kana soo cararay gobolka Gedo, kadib markii dagaalka uu kula jiro Mahad Karataay looga awood roonaaday.

Khilaafka cusub ayaa salka ku haya arrimo maaliyadeed iyo xukunka, waxaana arintan ay noqonaysaa fursad dowladda iyo AMISOM uga faa'daysan karaan inay Ciidankooda la wareegaan gobollada wali ku jira gacanta Al-Shabaab, maadaama Kooxda labo ukala jabtay.

Axmed Godane, oo Mareykanka duqeyn ku dilay Sep. 2014 ayaa ahaa kaligii-taliye gacan bir ah Al-Shabaab ku xukumi jiray, iyadoo uu khaarijiyay hogaamiyeyaal sare oo Ibraahim Afghan iyo Al-Amriiki ay kamid ahaayeen, kadib markii ay isku dayeen inay Kooxda magaca ka bedelaan, una bixiyaan Al-Qaacidada Bariga Africa.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.