Dagaal ka qarxay Beled-Xaawo

Farmaajo ayaa lagu eedeeyay inuu hurinaya dagaalka Gedo, halkaasi oo uu u diray Ciidamo iyo hub horaantii sanadkan, taasoo horseeday dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaarey dadka shacabka ah.

Warar Keydmedia Online

BELED-XAAWO , Soomaaliya - Dagaal culus ayaa goordhaw ka qarxay magaaladda Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, halkaasi oo kuwada sugan Ciidamada Jubaland iyo kuwa dowladda oo laga soo daabulay Muqdisho.

Dadka degaanka ayaa sheegay in rasaas xooggan la maqlayo, iyadoo dagaalkana sii xoogeysanayo oo labada dhinac isku adeegsanayaan hubka culus, oo hugunkiisa laga maqlayo degaanada xuduuda Kenya ku yaalla.

Wixii kusoo kordha, kala soco KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.