Dagaal kharaar oo ka socda degaanka Wisil ee gobolka Mudug

Kooxda Al-Shabaab ayaa saakay weerar ku billawday qarax ismiidaamin ah ku qaaday degaanka Wisil oo dhaca gobolka Mudug ee bartamaha Somaaliya.

Warar Keydmedia Online
Dagaal kharaar oo ka socda degaanka Wisil ee gobolka Mudug

WIISIL, Soomaaliya – Wararka ka imaanaya Mudug ayaa sheegay in saaka dadka ku dhaqan degaanka Wisil ay ku waabaristeen dhawaqa qarax xoogan oo loo adegsaday gaari walxaha qarxa lagu soo raray oo uu waday qof nati-hallige ah, kaas o isku qarxiyay albaabka xero ciidamada Galmudug ku leeyihiin magaalada.

Qaraxa waxaa xigay dagaal qaraar oo saacado qaatay kaas oo dhex maray ciidamada Galmudug iyo Al-Shabaab, waxaana la soo warinayaaa qasaaro xooggan, halka wali la maqlayo dhawaqa rasaasta.

Warbaahinta ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaalka ay ku geeriyoodeen in ka badan 30 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka gaar ahaan qaybta 21-aad iyo kuwa Galmudug.

Hayeeshee, dadka degaanka ayaa sheegaya in ciidamadu iska caabiyeen kooxdii weerarka soo qaatay, kana saareen Magaalada, halka maamulka Galmudug aysan wali ka hadlin weerarkaan.

Wisil waxa ay ka mid tahay degaannada aysan wali tagin kooxda Al-Shabaab, inkastoo billowgii bishii Ramadaan ay guud ahaan la wareegeen degaanka Bacaadwene oo isna dhaca Mudug.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.