Dagaal qaraxyo ku billowday oo ka dhacay Qaayib - Galgaduud

Dhawaan ayay ahayd markii Kooxda Al-Shabaab burburiyeen xarunntii is-gaarsiinta shirkadda Hormuud,  kadib dagaal khasaare xooggan sababay oo ka dhacay Qaayib, inkastoo Maamulka Galmudug iyo Dowladda Soomaaliya ay guulo ka sheegteen dagaalkaas.

Warar Keydmedia Online
Dagaal qaraxyo ku billowday oo ka dhacay Qaayib - Galgaduud

CADAADO, Soomaaliya – Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya magaalada Cadaado Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar ku bilowday gawaari qaraxyo ah saaka arrootii ku qaadday degaanka Qaayib oo hoostaga degmada Baxdo oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Dagaal xooggan oo dhex maray Ciidanadka Dowladda iyo Kuwada degaanka oo isku dhinac ah iyo dagaallamayaasha Al-Shabaab ayaa xigay qaraxyada, labada dhinac ayaana dagalka ka wada sheegatay guulo, inkastoo aysan jirin ilo madaxbannaan oo wali ka warramayy.

War ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay Ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ay ka hortageen isla-markaana fashiliyeen Saddex Qarax oo Kooxda Al-Shabaab ay doonayeen in ay ku gaystaan waxyeelo aan ka soo waaqsi lahayn oo gaarta degaanka.

Sidoo kale warka Dowladda Federaalka waxaa lagu sheegay in dagaal toos ah oo goobta ka dhacay lagu jabiyay Al-Shabaab, haddana ciidamadu ku jiraan baacsiga firxadkii kooxda, halka Al-Shabaab dhankoodu sheegteen in ay dagaalka ku guuleysteen.

Wasiir ku xigeynka Wasaaradda Warfaafinta XFS Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa dhankiisa sheegay in Al-Shabaab la jabiyay”. “Khawaarijtu markale waa ku jabeen Qaayib saaka, Ilaah ayaa mahadsan ka dibna mujaahidiinta beeniyay doonistii Khawaarijta”. Ayuu yiri.

Dhawaan ayay ahayd markii Al-Shabaab burburiyeen xarunntii is-gaarsiinta shirkadda Hormuud,  kadib dagaal khasaare xooggan sababay oo ka dhacay Qaayib, inkastoo Maamulka Galmudug iyo Dowladda Soomaaliya ay guulo ka sheegteen dagaalkaas.

Ciidamada Daraawiishta Galmudug, kuwa degaanka, Nabad-sugidda iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliya ayaa dhawaan la wereegay Qaayib oo fariisin weyn u ahayd Kooxda Al-Shabaab in muddo ah, kadib markii ay cagta soo mariyeen degaanno kale oo ku yaalla gobolka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.