KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Dagaalka ayaa qarxday kadib markii Ciidamada dowladda KMG ah, kuwa Raaskaambooni iyo kuwa Kenya ay weerar culus ku soo qaadeen degmada Afmadow kaasoo ay ku doonayaan inay kula wareegaan gacan ku hayanta magaalada Afmadow.
Warar hor dhac ah oo na soo gaaraaya waxaa ay sheegayaan in difaacyadii kooxda Shabaabka ee duleedka degmmada Afmadow ay soo jiireen Ciidamada huwanta ah.
Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka maadaama uu weli dagaalku socdo.
Dadkii fara ku tiriska ahaa ee ku noolaa degmada Afmadow waxaa ay ay bilaabeen inay ka barakacaan guryahooda iyagoo ka cararaya dhibaata ka soo gaarta dadka rayidka ah.
Warkaan oo faah faahsan dib ayaan idinka soo gudbin doonaa.
Keydmedia.net - Xafiiska, Kismaayo
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.