Dagaal culus oo ka socda Duleedka Janaa-cabdalle

Kismaayo (KON)- Dagaal aad u culus ayaa hadda ka soconaya duleedka deegaanka Janaa-cabdalle ee gobbolka Jubbada Hoose.
Warar Keydmedia Online

Dagaalka ayaa ayaa kadib markii Ciidamada huwnata ah ay u soo dhaqaaqeen dhanka magaalada Kismaayo, iyagoona weerar ku soo qaaday deegaanka Janaacabdalle.

Xabada xoogeeda ayaa ka socota meel lagu magacaabo Qalawilaa oo ku yaala duleedka deegaanka Janaacabdalle.Xaalada ayaa aad u kacsan, waxaana dhawaqa rasaasta uu yahay mid si xooggan looga maqlaayo Janaa-cabdalle.

Khasaare badan oo dagaalka ka dhashay, inkastoo aan ila aiyo hadda si rasmi ah loo heynin tirada

Waxaa jira diyaarado dagaal oo duqeyn dhanka cirka ah ka geysanaya furumaha ay dagaalka ka socda.

Wixii ku soo kordha kala soco [url=http://www.keydmedia.net]http://www.keydmedia.net[/url]

Xafiiska,Kismaayo

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.