KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Dagaalka xalay ka dhacay degmada Luuq ayaa yimid ka dib markii Maleeshiyaad katirsan kooxda Shabaab Al-qaacida ay hoobiyeyaal kusoo weerareen fariisimo ay ciidamada TFG-da iyo kuwa amxaarada ku leeyihiin degmada Luuq gaar ahaana nawaaxiga Buundada Luuq.
Duqeynta ay Maleeshiyaadka Shabaab soo qaadeen kaidb ayaa waxaa xigay dagaal fool ka fool ah oo dhex maray dhinacyada TFG-da amxaarada iyo kuwa Maleeshiyaadka Shabaab waxaana dagaalkaasi oo in badan socday ka dhashay khasaaro soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.
Ilaa hadda inta la xaqiijiyay labo askari oo ka tirsan ciidamada TFG-da ayaa ku geeriyooday dagaalkii xalay waxaana ku dhaawacmay in kabadan 7 qof oo isugu jira dhinacyadii dagaalka uu dhexmaray.
Nin lagu magacaabo Diyaad Cabdi Kaliil oo sheegay inuu ka mid yahay saraakiisha ciidamada TFG-da ee Gedo waxaa uu sheegay in dagaalkii xalay lagu soo qaaday uu ahaa mid gaadmo ah islamarkaana ay fashiliyeen ayna iska caabiyeen Maleeshiyaadkii soo weeraray. Waxaa uu intaasi ku daray inay jab iyo khasaaro badan ay gaarsiiyeen Maleeshiyaadkii soo weeraray inkasoo uusan sheegin tiro cayiman. Maleeshiyaadka kooxda Shabaab Al-qaacida ee dagaalka xalay ku soo qaaday degmada Luuq wali kama aysan hadlin dagaalka.
Keydmedia.net
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.