KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Dagaalka oo ahaa mid xooggan ayaa waxaa soo qaaday Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Shabaab kuwaasoo weerar xooggan ku soo qaaday fariisimaha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee deegaanka Kulbiyow.
Ilaa hadda inta la xaqiijiyay 10 qof oo dhanacyadii dagaalamay ah ayaa ku dhintay dagaalkaasi, ayadoo khasaaraha dhaawacana uu intaasi ka badanyahay.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ka hadlay dagaalkaasi ayaa guullo kala duwan ka sheegtay.
Xaalada deegaanka Kulbiyow hadda waa ay deggan tahay waxaana gacanta ku haya Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Kooxda Shabaab walia kama aysan hadlin dagaalka ay saaka ku qaaday deegaanka Kulbiyow.
Keydmedia Online -Xafiiska, Kismaayo
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.