KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Dad goobjoogiyaal ah ayaa u sheegay Keydmedia in Iska horimaadka uu bilowday kadib markii Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Al shabab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen Shalay gelinkii danbe Kolonyo Baabuurta dagaalka ah oo ay wateen Amxaaradda kuwaasi oo marayay wado ku taalla deegaanka Wabxo ee Gobolka Galgaduud.
C/laahi Asbaro oo ka mid ah Mas’uuliyiinta sare ee Ahlu Sunna ee Degmada Ceelbuur ayaa waxa uu Warbaahinta u sheegay in Al Shabaab looga dilay weerarkaasi ilaa 3 dagaalyahaan kuwa kalana looga dhaawacay sida uu hadalka u dhigay.
Warar madax banana ayaa sheegaya in sidoo kale Khasaaro Dhimasho iyo Dhaawac ah uu soo gaaray Ciidanka Amxaaradda ah ee weerarka Gaadmada ah lagu qaaday, inkastoo tirad dhabta ah aan la ogeyn.
Al Shabaab ayaa dhankooda sheegay in dagaalkaasi ay Khasaaro nafeed oo aysan carabaabin ay ku gaarsiiyeen Ciidamada Gumeystaha Amxaaradda ah islamarkaana ay kaga gubeen Gaadiid dagaal oo tiro badan.
Wararka aan Saakay ka heleeyno Deegaanka lagu dagaalamay ee Wabxo iyo Degmadda Ceel-buur ayaa sheegaya in Xaaladu ay hadda degantahay ismarkaana aysan jirin wax Dagaal ah oo socda.
Magaalada Ceel-buur iyo deegaanada ku hareeraysan ayaa waqtiyadii u danbeeyaya waxaa ka dhacayay Dagaallo dhaxmaraya Kooxda Shababa iyo Ciidamad Iskaashanaya ee Ahlu Sunna iyo Amxaaradda kuwaas oo ay waxyeelo ka soo gaarto dadka rayidka ah.
Keydmedia.net - Xafiiska, Beledweyne
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.