KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Dagaalkaan oo ka dhacay duleedka Waqooyi Galbeed ee Magaalada Kismayo ayaa dhaxmaray Ciidamada Kenya iyo Kuwa Jabhada u abaabulan Habka Qabiil ee Raaskabooni oo dhinac ah iyo Kooxo Hubaysan oo ay Maamulka KMG ah ee Jubba ku tilmaameen Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa socday mudo Saacado ah sida ay Dadka deeganka u sheegeen Wariyaha Keydmedia, waxeyna sheegeen in Dagaalka uu ka dhacay Gudaha Xaafad.
Ugu Yaraan 6 Ruux oo Rayid ah ayaa ku geeriyootay Dagaalkaasi, waxaan si rasmi ah loo Xaqiijin karin Qasaaraha Soo kala Gaaray Labada Dhinac.
Sidoo kale Warar Hoose oo ay heshay Keydmedia Online ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya ay Madaafiic ay ku garaceen Xaafado ku yaala magaalada Kismaayo kuwaas oo aan la ogeyn qasaaraha ay sababeen waqtiga oo xili habeen ahaa.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.