Kismaayo: Dagaal ka dhacay Nawaaxiga Garoonka Magaalada

Kismaayo (KON) - Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa Weerar Maleeshiyaadka Kooxda Shabaab ay Xalay kusoo qaadeen Nawaaxiga Garoonka Magaalada Kismaayo.
Warar Keydmedia Online

Dagaalkaan oo Sababay Khasaro badan ayaa dhexmaray Maleeshiyaadka Kooxda Shabaab iyo Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Kenya.

Maleeshiyaadka Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar kusoo qaaday fariisimo Ciidamada dowladda ay lu leeyihiin Agagaaarka Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo.

Dagaalkaan oo socday Saacadu ayaa ku dhaawacmeen ugu yaraan 14 Qof.

Saraakiil ka tirsan Ciidamda Dowlada ayaa Keydmedia Online u xaqiijiyeen in 3 ka tirsan kooxda Al-Shaabab lagu dilay Dagaalkaas.

Xaalada Kismaayo ayaa Saakay dagan, waxaana socda Howlgallo ay wadaan Ciidamada Dowlada iyo kuwa Kenya.

Keydmedia Online - Xafiiska Kismaayo

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.