KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Dagaalkaan ayaa ka dhacay Deegaanka Koronbood oo 15 KM u jirta Degmada Qansax-dheere.
Dagaalkaan oo Hubka Culus la isku adeegsaday ayaa la sheegay in uu Saacado socday, waxaana meshaas ka dhashay Khasaare farabadan.
Dagaalka ayaa dhacay kadib markii ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Ethiopia oo wada jira ay weerar ku qaadeen deegaanka Koronbood, oo ay gacanta ku haysay maleeshiyada al-Shabaab.
Guddoomiyaha degmada Qansax-dheere Aadan Cabdi Qooqane oo Idaacadaha Muqdisho la hadlay ayaa sheegay in in deegaanka ay la wareegeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.