Dagaal ka qarxay Ceel-gaal

Muqdisho(Keydmedia) Wararka aynu ka heleyno gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in deegaanka Ceel-gaal ee gobalka Hiiraan uu ka qarxay dagaal u dhaxeeya xoogaga mucaaradka iyo ciidamada Dowladda.
Warar Keydmedia Online

Dagaalka oo bilowday goordhaw ayaa goobjoogayaasha deegaanka waxa ay ku waramayaan in durbaba dagaalka laga dhaxlay qasaaro dhimasho iyo dhaawac leh oo soo kala gaaray labada dhan wallow aan la heyn tira sugan.

Iska horimaadkan ka bilowday ceel-gaal ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili maalin ka hor ay dhinacayada halkaasi ku dagaalameen isla markaana ay is gaarsiiyeen qasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

 www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.