Dagaal Kale oo Ka Qaraxy Inta U Dhaxeysa Janaa-cabdalle Iyo Kismaayo

Kismaayo (KON)- Dagaal culus ayaa goordhow ka qarxay inta u dhaxeysa deegaanka Janaa-cabdalle iyo magaalada Kismaayo, waxaana dagaalkaasi uu yimid kadib markii Ciidamadii huwanta ahaa ee ku suggnaa deegaanka Janaa-cabdalle oo u soo dhaqaaqay dhanka magaalada Kismaayo ay jidka u galeen Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Shabaab.
Warar Keydmedia Online

Ciidamada huwanta ah Dowladda Soomaaliya, Raaskaambooni, iyo Kenya ee ku suggnaa Janaa-cabdalle ayaa saaka dhanka Kismaayo u soo dhaqaaqay kadib markii ay ka war heleen in Ciidamo kale oo isla iyaga ka tirsan oo dhanka badda ka yimid ey weerar ku soo qaadeen Kismaayo, waxaana ujeedka Ciidamadaan la sheegay inuu ahaa sidii ay culeys u saari lahaayeen difaacyada Shabaab ee ay ku difaacanayaan magaalada Kismaayo.

Dagaalka ayaa hadda si xowli ah ku socda, waxaana la isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Kooxda Shabaab oo warar ku saabsan dagaalka dhanka Janaa-cabdalle ku soo daabacay waxaa ay sheegeen inay dagaalkaasi ku gubeen baabuur dagaal oo ay lahaayeen Ciidamada Kenya.

Keydmedia waxay akhristayaasheeda sharafta leh u ballan qaadeysaa inay daqiiqad kasta u soo tabiso wararkii ugu dambeeyay ee Kismaayo

Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho

 

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.