KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Dagaalkaan ayaa waxaa soo qaaday Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Shabaabka kuwaasoo weerar madafiic ah markii hore ku soo qaaday fariisimaha ay Ciidamada Ciidamada huwanta ah ay ku leeyihiin gudaha iyo daafaha degmada Badhaadhe.
Ilaa 6 ka tirsan dhinacyada dagaalamay ayaa ku dhintay in kabada 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaalka xalay ka dhacay degmada Badhaadhe.
Saraakiisha Ciidamada Dawladda ee Degmada Badhaadhe oo aan xariiro kala duwan aan la sameynay waxaa ay noo sheegeen in weerarka xalay ay Maleeshiyaaka shabaabka ay soo qaadeen inuu ahaa mid fashilmay oo ay ka hor tageen Ciidamada huwnata ah, sida ay hadalka u dhigeen.
Col: Maxamed Carab oo kamid ah saraakiisha Ciidamada dowladda ee Badhaadhe ku suggan ayaa warbaahinta Keydmedia xafiiskeeda magaalada Kismaayo u sheegay in 5 ka tirsanaa Maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday ee Shabaab Al-qaacida ay ku dileen dagaalka xalay, waxaana jira askari Ciidamada dowladda ka tirsan oo dagaalkaasi ku dhintay, isagoona tilmaamay in hub iyo saanad fara badan ay ka qabsadeen kuwaasoo ay ka carareen Maleeshiyaadkii Shabaabka.
Waxaa kale oo uu sheegay in uu jiro khasaare soo gaaray Ciidamada huwanta balse uusan badnayd sida uu hadalka u dhigay, isaga oo xusay in ay ku mashquulsan yihiin tirinta khasaaraha.
Dad kusugan degmada Badhaadhe oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in dagaalkii xalay uu saamayn ku yeeshay magaalada isla markaana hubka la isku adeegsanaayay dagaalka uu ku dhacayay xaafadaha dadka rayidka ah.
Xaalada ayaa hadda deggan waxaa goobihii lagu dagaalamay gacanta ku haya Ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya, ayadoona Maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday ay carareen iyagoo khasaare iyo jab dusha ku wata.
Keydmedia.net - Xafiiska, Kismaayo
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.