Dagaal Xooggan oo dib uga Qarxay Deegaanka Biibi ee Gobolka Jubbada Hoose

Kismaayo (KON) - Warar hadda naga soo gaaraya gobbolka Jubbada Hoose ayaa soo sheegaya in dagaal xooggan uu daqiiqado ka hor ka qarxay deegaanka Biibi ee gobbolka Jubbada Hoose.
Warar Keydmedia Online

Dagaalkaan oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya, Raaskaambooni iyo kuwa Kenya oo isku dhan iyo Maleeshiyaadka kooxda Shabaab ayaa waxaa uu hadda ka socdaa deegaanka Biibi halkaasoo ay ilaa shalay ku dagaalamayeen xooggaga uu hadda dagaalka dhexmarayo.

Dagaalka ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya Diyaaradaha dagaalka ee Dowladda Kenya, lama ogaan karo khasaaraha dagaalka maadaama uu dagaalku si xooggan ku socdo.

Saraakiil Dowladda iyo Raaskaambooni ka tirsan oo si kooban ula hadlay Keydmedia ayaa sheegay in dagaalku ay iyagu qaadeen iyagoo ku sii siqaya magaalada Kismaayo, mana jiro wax faah faahin dheeraad ah oo ay saraakiishaasi ka bixiyeen dagaalka.

24-kii saac ee la soo dhaafay dagaallo kharaar ayaa Ciidamada huwanta ah iyo kooxda Shabaab ku dhexmaraayay gobbolka Jubbada Hoose, ayadoona Ciidamada huwanta ah ay hadda ku sii siqayaan magaalada xeebta ee Kismaayo.

Keydmedia Online -Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.